Xog: Cali Khaliif Galeyr oo magangalyo weydiistay dowladda Ethiopia kadib…

Saaxdheer (Caasimada Online)-Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya Cali Khaliif Galeyer iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Khaatumo State in ay magangalyo weydiisteen dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Arrintan ayaa soo baxday markii ciidanka Somaliland ay saakay waaberigii weerrar ku qaadeyn deeganka Saaxdheer oo 75km dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Laasacaanood.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidanka Somaliland ay qabsadeyn maxaabiis kor u dhaafeysa ilaa 20 kuwaasoo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo salaadiin uu ka mid yahay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay jiraan khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee maanta ku dagaallamay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.

Xaaladda Saaxdheer ayaa imminka deggan, waxaana magaalada gacanta ku haya ciidanka Somaliland, iyagoona dadweynaha magaalada u sheegay in ay is dajiyaan.

Dhinaca kale, taliyaha booliska Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku hayaan hub aad u badan oo ka yimid Muqdisho iyo Kismaayo kuwaasoo diyaarado lagu keenay shaley magaalada Buuhoodle.

Waxaana kaloo uu sheegay taliyaha booliska Somaliland in ay hayaan maxaabiis ay ku jiraan siyaasiyiin ka yimid Muqdisho kuwaasoo la rabay in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha cusub ee Khaatumo State.

Somaliland ayaa ku andacooneysa in ay gobalka Sool uu ka mid ah yahay deegannada ay maamulaan isla markaana wax maamul Khaatumo la dhaho aaney ka jirin deegannadaas.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

Caasimada@live.com