Waa imisa mushaarka Farmaajo, Xasan Kheyre iyo labada guddoomiye ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaasha labada aqal Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ku dhawaaqay in ay mushaarkooda bishaan ay uga qayb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha dalka oo saameen weyn ku yeeshay magaalooyin badan.

Tan iyo shalay waxaa baraha bulshada ka socday hadal heyno kala duwan iyo su’aalo ku saabsan inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxdaan, iyadoo dadweynaha ay ku cabirayeen heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha iyo daad kale oo roob ka roogmaday kuwaas oo barakaciyay kumanaan qoys.

Caasimada Online ayaa baaritaan ku sameysay inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxda dowladda, kaas oo loogu deeqay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa la hadashay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay ayaa caasimada online u sheegay in mushaarka madaxweynaha uu yahay 10,000 oo dollar bishii, halka guddoomiyaasha labada gole iyo ra’iisul wasaaraha ay intaas ka sii yar-yihiin.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris ayaa sheegay in mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray oo ka yar-yahay 20,000 oo dollar$.

“Mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray waa ka yar-yahay 20,000$, labada guddoomiyana waa ka sii yar-yihiin mana ahan wax dhibaatada maanta jirto loogu yabooho iyadoo garoomo iyo magaalooyin lagu bixiyay boqolaal kun oo dollar” ayuu yiri xildhibaan maxamed xasan idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee bfs.

Caasimada online ayaa sidoo kale ogaatay in hadda uuasn jirin mushaar sax ah oo ay qaataan madaxdaan oo ku qoran dastuurka dalka ama xeerarka kale ee dalka oo markii hore lagu cadeen jiray. Waxaa soo gasha lacago boqolaal kun oo dollar ah halka qaarkoodna ay ku xisaabtamaan malaayiin dollar sida ay noo sheegeen mas’uuliyiintii aan la hadalnay oo qaarkood ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com