Video: Sheekha Soomaaliga ah ee la sheegay inuu dhalay Idi Amin Dada oo hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheikh Cabdullahi Sheikh Shaamow oo ah Macalim dugsi Qur’aan ayaa beeniyay warbixin uu qoray wargeyska New Vision ee dalka Uganda oo lagu sheegay in uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada.

Sheikh Cabdullahi oo tan iyo sanadkii 1975-kii ku noolaa deegaanka Carbiska ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaasna ku heystay intii uu ku noolaa dugsi Qur’aan ayaa maalmo ka hor ka soo muuqday warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo la leeyahay waxaa dhalay oo ay kala lumeen Madaxweynihii hore ee dalka Ugaanda Idi Amin.

Sheegashada ah in Sheikh Cabdullahi uu yahay nin Ugaandeys ah ayaa soo shaac baxday todobaad ka hor, kadib markii ay Soomaaliya safar kor meer ah ku yimaadeen Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay dowladda Ugaanda oo ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka.

Wafdigaas ka soday Uganda waxa ay kor meer ku tageen xeryo ay daganyihiin ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana xeryihii ay tageen ka mid ahaa mid ay Carbiska ka deganyihiin ciidamada Ugaanda ee ka tirsan AMISOM, halkaas oo markii ugu horeysay ay isku arkeen wafdiga iyo Sheikh Cabdullahi Shaamow.

Sheikh Cabdullahi oo la hadlay Dalka TV, waxa uu sheegay in markii ay arkeen isaga wafdigii ka socday Uganda ee kor meerka ku tagay deegaanka uu warkoodu ka bilaawday “ninkaan waa anaga waana nin Ugaandeys ah” taasna uu la yaabay.

Sheikh Cabdullahi maalmo kadib ayuu sheegay in wiil uu dhalay uu lug ka jiiray gaari ay la haayeen ciidamada Ugaanda, markii uu u dacwoodana ay xeradooda geeyeen kana qaadeen sawirro uu san markaas garanay u jeedka ay ka lahaayeen raalina uusan ka aheyn.

Maalmo kadib ayuu sheegay in uu warbaahinta iyo baraha Bulshada ku arkay sawiradiisa iyadoo lagu tilmaamayo in uu yahay wiilka madaxweyhii hore ee Ugaanda Idi Aamin, ayna kala lumeen hooyadiisna ay tahay Soomaali ku dhalatay magaalada Baydhaba.

Sheikh Cabdullaahi Sheikh Shaamow waxa uu cadeeyay in uu yahay nin Soomaali ah, isla markaana laga been abuurtay.

Si lamid ah waxaa marqaati ahaan ugu soo baxay dad aqoon fog u leh Sheikh Cabdulahi iyo waalidkiis, kuwaas oo si cad u sheegay in Sheikh Cabdullahi laga been Abuurtay.

Halkaan ka Daawo

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com