Waa kuma Dr. Ibraahim Qaasim Faarax Bur-Saliid?

Galabnimo khamiis ah, oo ay taariikhdu ku beegnayd 6/6/2019 waxaan si kadis ah uga war-helay -anigoo daalacnaya bartayda aan ku leeyahay Fecebook-ga- in Dr.Ibraahim Qaasim Faarax (Bur-Saliid) loo taxaabay xabsi ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhacdadaas lama filaan bay igu noqotay, waxaa wer wer igu abuuray xarigga saaxiibkey Ibraahim Bur-saliid, oo ah aqoonyahan bareer u hadla markuu falanqeynayo arimaha siyaasadda dalkiisa hooyo ee Soomaaliya; amaba kuwa aan dariska nahay. Waxaan labadii maalmood ee tagay ka fakarayay maxaad u qaban kartaa saaxiibkaa Ibraahim Bur-saliid?

Tollow! dhambaal aan qoraa maciin iyo taageero ma u noqon karaa dadaallada loogu jiro in Bur-Saliid xorriyaddiisa dib u helo!  Waxaan arinkaa rog rogaba, waxaan wada hadalnnay saaxiibkey Faysal Cabdi Rooble, wuxuu igu dhiiri-galiyay in aan dhambaal ka qoro xabsi-u-taxaabidda Ibraahim Bur-Saliid.

Wuxuu xoojiyay fikirkaygii ahaa in qoraalada loogu dooddayo Ibraahim Bur-Saliid la badiyo, aniguna waxaan bahda qalinlayda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay qalinkooda ugu hiiliyaan walaalkood Dr.Ibraahim Bur-saliid, waa tuu Sallaan Carabay yiri : Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga xowda kaa jara’e!

Waa kuma Dr. Ibraahim Bur-saliid?

Dad badan oo akhristayaasha ka mid ahi, waxaa suurowda in aysan aqoon durugsan u lahayn Dr.Ibraahim Bur-saliid, waxaan jeclaystay in aan si kooban uga warbixiyo “Bur-saliid” oo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxna ku bartay dalkiisa hooyo, ee Soomaaliya. Wuxuu ku koray kuna hanaqaaday magaalada Kismaayo, dugsigiisii hoose, dhexe, iyo kii sareba kaga baxay isla magaalada Kismaayo.

Wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, isagoo dhigtay Culuumta Siyaasadda, qaran-jabkii ka dib, wuxuu ku jiray dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay Kenya, ma niyad jabin, dibadna uma dhoofin, ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii isagoo darajada labaad ee “Master’s Degree” ilaa shahaadada “PhD”  ka diyaariyay jaamacadda “Nairobi University” dabadeedna, Jaamacadda Nairobi ka noqday bare wax ka dhiga kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo xiriirka dibadda, isagoo muddo 8 sano ka ahaa jamacaddaas macallin -ay ardaydu iyo jaamacadduba- ixtiraam iyo qaddarin weyn u hayaan. Iminka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad la-talin oo uu isagu lahaa “consultancy firm”.

Maxaan ku bartay “Bur-Saliid”?!

Horraantii sannaddii 2016-kii ayaan is barannay Ibraahim Bur-Saliid, waxaan dhawr jeer ka wada qayb-qaadannay -aniga iyo isaga iyo Dr.Cabdiwahaab Cabdi Samad- doodda Jimcaha  ee idaacadda BBC-da, laanta AfSoomaliga. Waxaan ku bartay Bur-Saliid in uu ahaa waddani difaaca danaha umadda Soomaaliyeed, geesi aan ishiisu libiqsan, dooddaa dhiirran, ruux waxbadan ka akhriyay taariikhda iyo sida ay siyaasaddu u fal-gasho.

Waxaan kaloo ku bartay – muddadii aan saaxibada ahayn- in uu ahaa ruux bareer u hadla, oo wuxuu aaminsanyahay aan qarsan, markay dhinaca siyaasadda arintu gashana, wuxuu ka aaminsanaa siyaasaddu in ayan ahayn humaag iyo boor-isku-qaris; balse ay tahay: run sheeg iyo daah-furnaan, waa halka uu jeclaa -dadka Soomaali siyaasadda u matalaa- in ay fahmaan, mabda’aasna ku dhaqmaan.

Muxuu xabsiga ku mutaystay Bur-saliid ?!

Subaxnimadii Jicmada -maalintii xigtay xariggiisii- ayaa waxaa maxkamad la soo taagay Bur-Saliid iyo saddex ninoo kale oo aanan garanayn. Maxkamaddu waxay ku eedaysay afartuba in ay yihiin argagixiso.

Saddexda nin oo kale anigu wax aqoona uma lihi, Ibraahin-na waxaan ku difaacayaa waa aqoontaan isaga u leeyahay.! Fal-dambiyeedkiisu wuxuu hor-yaalaa maxkamad, xeer-dheerayaasha dhinaca qaanunkuna waxay yiraahdaan eedaysanuhu waa dembi laawe ilaa tuhunku cadaado accused is innocent until proven guilty”.

Xariggaa Bur-Saliid” wuxuu ku soo beegmay xilli ay dowladda Kenya u miciyo-lisanayso Soomaalida, waxay faafisay liis dheer oo ah Soomaali ay dalkeeda ka mamnuucday, xawaaladihii bay qaarkood kala noqotay aqolaanshihii hawl-gal. Waxay muujisay colaad dhinaca Soomaalida xukuumad iyo shacabba.

Xarigaan lagula kacay “Bur-Saliid” waxaa loo fahmi karaa cabburin ay Kenya kula kacayso aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xorta ah, ama cadaadis Kenya ku saarayso xukuumadda Soomaaliyeed oo la xiriira kiiskii badda ee Maxkamadda Caddaaladda dunida hor-yaal.

Tuhunka aqoonyahan “Bur-Saliid” dowladda Kenya ku tuhuntayse -oo ah argagixiso- waa mid culus, erayga argagixisana wuxuu noqday mid dhinac walbaale ah, qaadan kara in ka badan hal macne.

Halgamaagii weeynaa ee koonfur Africa Nelson Mandela wuxuu xusuus-qorkiisii long wolk to freedom” markii la tarjumana noqonaya “ Socdaalkaygii dheeraa ee xoriyadda”  ku sheegay sidaan: “ shalay waxay igu sheegayeen argagixiso, maantana markii xabsiga layga soo daayay waxay igu soo dhaweeyeen ubaxyo, waxay ku tilmaamaan kuwa dalkooda u halgamaa oo difaacaa argagixiso.”

Waxaan is iri malaha Kenya waxay ugu tilmaantay “Bur-Saliid” argagaxiso waa mowqifkiisii waddaniyadeed, dal jecaylkii uu muujiyay, aftahamadiisii iyo ra’yigiisii tolmoonaa markay arrintu u weecato dhinaca difaaca danaha qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya maxaa la gudboon? 

Xukuumadda iminka Soomaali talada u haysaa, waxay ka gaabisay difaaca danaha dalka ee dhinaca xiriirka dibadda. Waxay si jilicsan ula tacaamusha gefafka is-daba-joogga ah, ee kaga  imanaya dowladaha aan dariska nahay.

Ilaa hadda wax talaabo ah kama ayan qaadin waxa lagula kacay, duulimaadyadii tooska ahaa baa la joojiyay, xawaaladihii baa la xiray qaarkood, Soomaalidii baa la cabburiyay, welina ma ayan qaadin xukuumaddu tilaabo ku habboon tacadiyada dhinaca diblumaasiyadeed ee lagula kacay.

Arrinka saaxiibkay Ibraahim Bur-Saliidse waxaan u arkaa in ay tahayninkii walaalkii loo xiiirow! adna soo qoyso!

Waxaa suuragal ah, in ay xigi karto tilaabadaan kuwa kaloo ka sii daran, oo lagu cabburinayo hal-doorka Soomaaliyeed; si xukuumadda cadaaddis loo saaro, arinkaanna waxaa ila gudboon in xukuumadda Soomaaliyeed ay dadaal dheeri ah galiso sidii wax looga qaban lahaa, loogana hortagi lahaa falal noocaanoo kale ah in lagula kaco hal-doorka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ilaa iminka wuxuu dhawrayaa xukuumaddiisu waxay ka qabatay xiriirka sii xumaanaya dalka aan dariska nahay ee kenya. Fal-celis la’aanta xukuumadda federalka ahna waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in xukuumadani danaha Soomaaliyeed ku badalatay doorashada soo socota ee dhici doonta 2021-ka iyo waxqabadkii laga sugayay ee ay ka gaabisay sida sugida Amniga, u adeega shacbiga Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dhaqaalaha.

Gunnaanadkii, waxaan saaxiibkay Ibraahim Bur-saliid ugu duceeynayaa ducadii nabigeenii suubanaa ee Yuusuf Bin Yacquub ugu duceeyay dadka xiran; taaso ahayd: ilaahayow u jilci quluubta kuwa naxariista badan, waxaan Eebbe saaxiibkay u baryayaa in sii deyntiisa ay u kacaan soomaalida weli damiirkoodu noolyahay.

Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir)
Email: ashkir2009@live.com

Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid