Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir?

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir?

Garyaqaan Siciid Cali Gurey waxa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Magaalada Muqdisho. Waxa uu 2002dii ka baxay Dugsiga Sare ee Al-Xikma. Kaddibna waxa uu waxbarasho ugu safray dalka Suudaan oo uu uga biiray Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika (IUA), oo uu ka bartay cilmiga Qaanuunka. 

Waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay 2006dii oo ay Muqdisho ka talinayeen Maxkamadihii Islaamiga, waxa uuna garsoore ka noqday Maxkamadda Gobolka Banaadir. 

Burburkii Maxkamadaha kaddib, waxa uu aqoon-kororsi ugu safray dalka Suuriya. 2016kii ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waxa uuna garsoore ka noqday Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo uu uga sii dallacay Maxkamadda Racfaanka oo uu garsoore ka noqday.  

Sanad ka hor waxa uu waxbarasho Sare oo dhanka Qaanuunka ah oo ay Wasaaradda Caddaaladdu u dirtay ugu safray dalka Turkiya oo uu dhowaan ka soo laabtay. 

Soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ay Siciid soo wada shaqeeyeen ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu caawa ugu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Garyaqaan Siciid Cali Gurey waxaa loo ixtiraamaa in uu yahay dadka ugu aqoonta iyo khibradda badan sharciyada Soomaaliya, ayna lexajeclo badan ka hayso garsoorka dalka, oo la filayo in uu wax badan ka beddelo.

Alle ha u fududeeyo xilka culus ee loo magacaabay.

W/Q: Hussein Sabrie