DF oo war kasoo saartay shirkado ka howlgala dekedda oo xogta siiya Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku socota shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta (Ship Agents), kadib markii ay cabasho xoogan kasoo gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga digtay shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta inay xogta badeecadaha ay dalka keenaan la wadaagaan kooxda Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyay canshuur ka qaadaysay shixnadaha ganacsi ee laga soo dejiyo Dekeda Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu faray shirkadaha ka howl-gala dekedda in ciddii lagu helo falalka nuucaan ah loo aqoonsanayo inay si toos u taakuleeyaan Al-Shabaab.

“Wasaaraddu iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda waxa ay hay’adaha Amniga la wadaagtay cabashada muwaadiniinta si ay baaris dhameystiran ugu sameeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda in cidii lagu helo arrintaan laga qaadi doono tallaabooyin isugu jira mamnuucis shaqo iyo in lagala wareego ganacsigooda.

Digniintaan ayaa imaneysa kadib markii qaar kamid ah ganacsatada dalka ay cabasho ka gudbiyeen shirkadaha bixiya adeega Maraakiibta (Ship Agents) ay xogta badeecadaha dalka ay keenaan la wadaagaan kooxda Al-Shabaab, oo ayaguna lacago canshuuro ah kusoo roga ganacsatada xogtooda loo gudbiyay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u mamnuucday in ganacsatada ay lacago baad ah siiyaan kooxda Al-Shabaab, xili uu socdo kacdoon dagaal oo ka dhan ah, islamarkaana deegaano hor leh laga saaray kooxda.