Daawo R/W Xamza: Haddii ay Soomaalinimo jirto, dadka Soomaaliyeed ha yimaadaan…

Beledweyne (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, xilli uu sii laba-lixaadsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka ka socda

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in booqashada uu ku tegay Hiiraan ay ahmiyad gaar ah u leedahay qorshaha dib-u-xoreynta dalka ee la magac baxay DULMIDIID, maadaama gobolkani yahay halka uu ka curtay halganka hubeysan ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab.

“Dadka Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin ma tihiin. Ummadda Soomaaliyeed ayaa garab iyo gaashaan idiin ah. Waa la idin la joogaa. Horay, gadaal iyo hareerahaba waa la idinka jiraa ee halganka halkiisa ka sii wada”, ayuu yiri Xamza oo farriin guubaabo ah u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamay in ay “tixraac sharfan” u yihiin ummadda Soomaaliyeed ee xorriyadda jecel.

“Haddii ay jirto Muslinimo, haddii ay jirto Soomaalinimo – dadka Soomaaliyeed waa inay Beledweyne imaadaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. 

Xamza ayaa inta uu booqashadiisa ku gudajirey wuxuu uu tagey goobihii ku burburay weerarradii dhawaan argagixisadu la beegsatay qaraxyada ee xarunta maamulka gobalka, halkaas oo ku naf waayeen dadweyne aan waxba galabsan. 

Wuxuu kulamo la yeeshay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka ee hoggaaminaya kacdoonka reer Hiiraan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. 

“Dowladda Soomaaliya ayaa taageero hiil iyo hoo leh la garab istaagtey kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab iyo inta la hal maasha, waxayna dajisey istiratijiyad Saddex Geesood ah oo lagu ciribtirayo awoodaha ciidan, dhaqaale iyo fikradaha xagjirka ah ee argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.