Xasan oo xilalkii ka qaaday laba guddoomiye maxkamad, magacaabay kuwo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir iyo Maxkamadda gobolka Banaadir, kadib soo jeedin ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.

“Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guddoomiyeyaasha uu magacaabay inay ka shaqeeyaan sareynta sharciga iyo xalinta cabashooyinka caddaalad daro ee ka imaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Saaka ayey aheyd markii ay Caasimada Online baahisay xogta magacaabistan oo illo wareedyo lagu kalsoon yahay ay inoo xaqiijiyeen, ayada oo faafinta rasmiga ah ee madaxweynaha ay soo baxday goordhoweyd.

Isbeddalkaan ayaa ah mid la filayey, maadaama uu horey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaciyey inuu wax ka beddal ku sameyn doono guud ahaan hay’adaha garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhawaan xilkiisii hore dib ugu celiyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, Liibaan Cali Yarow oo uu horey shaqada uga eryey madaxweynihii hore ee Farmaajo.