Ciidamada oo deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab xili howl-galo dagaal ay ka socdaan deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka Gorgor ay argagixisada Al-Shabaab ka saareen deegaanada Geelgub, Baqdaad, Faqayaalo iyo Bur-dacaar.

“Ciidamada ayaa waxay haatan kaabiga u saaran yihiin deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo argagixisada ay ku leeyihiin fariisin weyn.”

Howl-galadaan ayaa imanaya ayada oo isla saaka ay ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warciise, Gaaleef, Qoordheere iyo Jilable oo dhammaantod hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor Col. Dayax Cabdi oo howl-galkaas hogaaminayay ayaa sheegay in ciidanka Gorgor ay xaqiijiyeen amaanka guud ee deegaanadaasi, iyagoo dilay ku dhawaad 10 dagaal-yahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa muddooyinkii dambe deegaano hor leh kala wareegayay Al-Shabaab, waxaana weli sii socda kacdoonka dagaal ee argagixisada looga xoreynayo weli deegaanada gacantooda ku jira.