Waa kuma Macallin Ayman – Sarkaalka uu Mareykanka ku raadinayo malaayiinta dollar?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Macallin Ayman-ka uu raadinayo Mareykanka ayaa waxa uu yahay hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawl-gallo ka fuliya gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, kaasi oo ay Al-Shabaab ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaaca Mareykanka, sida uu sheegay Mareykanka.

Weerarkan oo dhacay aroor hore ayaa sidoo kale waxa lagu dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Macallin Ayman ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa saddex horjooge sare oo Shabaab ah oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay bishii Febraayo ee 2021 kusoo rogtay xayiraad dhan ah.

Ninkaan ayaa waxa uu dhowr jeer liisas ka dhan ah argagixisada kala soo muuqday Abuukar Cali Aadan iyo Mahad Karataay oo kaalin weyn ku dhex leh dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa qaba in Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay bariga Afrika ay tahay kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, wuxuuna sheegay inay masuul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay gudaha Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku naf waayeen kumanaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dashay dalkiisa.

Arrinta u weyn ee Mareykanka u beegsanayo Al-Shabaab ayaa ah “inay sii wado qorshaynta iyo shirqoolid ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka, danaha Mareykanka iyo saaxiibada shisheeye.”