Waa kuma ninka 6 sano kahor uu ku jiray damaca badda ee hadda fulinaya qorshaha Abiy?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa horraantii sanadkaan qaaday tallaabo ay ku dooneyso inay qeybo kamid ah badda Soomaaliya qaadato, ayada oo heshiis is-afgarad ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Ethiopia oo damaceeda lagu tilmaamo mid soo jireen ah ayaa waxaa lix sano kahor si cad u muujiyay Birhanu Jula, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Ethopia.

Ninkaan ayaa markaas ahaa taliye xigeen, wuxuuna daba-yaaqadii 2018-kii uu sheegay in aysan jirin sabab ay Ethiopia usii ahaato bad la’aan, waxaana la rumeysan yahay in mayl adeyga arrintaan loogu dalac-siiyay taliye buuxa.

“Waa waajib in (Ethiopia) ay saameyn ku yeelato Badda Cas,” ayuu yiri Birhanu oo markaas xusay in Abiy ay ka go’an tahay dhismaha ciidan bad oo xoog leh [taasi oo meel-mar noqotay].

Si kastaba, Birhanu Jula haatan waa Taliyaha Ciidanka Ethiopia, damacii uu lix sano kahor ku taamayeyna isaga oo taliye xigeen ah ayuu maanta fulinayaa.

“Soomaalidu waxay tiraa ‘Lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu gawracaa’, halkaa innagaa is dhignay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintaan iyo sida Ethiopia uga go’an tahay damaca guracan ee badda.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa Soomaalida ku booriyay in loo baahan yahay in aan dalkeenna difaacano, islamarkaana aynu dhisano ciidan tayo leh, si looga maarmo gacan hoorsiga dal shisheeye si uu inooga difaaco duulaanka cadowga.

“Duniduna maanta waxay joogtaa xilli dalkii dayacan, dadkiisuna taag yaryihiin lagu durdurinayo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii damiir iyo dadnimo nooshahay sow ma habboona in aan dul istaagno xallinta sababihii shilalkaa ina dhigay? mise difaaca dalka waxaan ku halaynaa dal shisheeye, innagana danta shakhsiga ah iyo damaca qabiilka ayaa sii wadnaa?.”