Waa kuma ninka qiyaanay madaxweyne Al-Bashiir ee afgambiga ka dambeeyey?

Khartoum (Caasimada Online) – Dadweynaha Sudan ayaa maqlay hadal ay wakhti dheer sugayeen kadib markii Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf ka dhawaajiyay in gabi ahaanba xukunkii laga qaaday Cumar Xasan Al-Bshiir, sidoo kalana wuxuu sheegay iney ku xireen goob an dhibaato ka jirin.

Bin Cawf wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka uu kalsoonida ugu weyn ku qabay Al-Bashiir maadaama uu hayay laba xil oo awood sare leh, wasiirka Gaashaandhigga iyo sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka.

Al-Bashiir ayaa bishii February ku dhawaaqay in Bin Cawf uu yahay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee xukuumadiisa, wuxuuna ka dhiganayay awood maadaama xilligaas mudaharaadyada looga soo horjeedo dowladda ay sii xoogeysanayeen.

Sidoo kale madaxweynaha talada laga tuuray wuxuu isku dayay inuu sameeyo isbadal weyn oo dhanka xukuumadiisa ah, wuxuuna kala diray dhamaan wasiiradii marka laga reebo saddex wasiir oo kala ah (gaashaandhigga, arrimaha dibada iyo cadaaladda), Cumar wuxuu markaas wadanka kusoo rogay xaalad deg-deg ah oo soconeysa muddo sanad ah.

Wakhtigaas dunida oo dhan waxey Cawad Bin Cawf u aragtay inuu yahay qofka kaliya uu naftiisa ku aamini karo Bashiir, wuxuu ka dhigtay difaaciisa si uu xukumaadda ugu ilaaliyo, sidoo kale dhamaan gudoomiyeyaasha gobolada wuxuu ka dhigay saraakiil military, balse wax walba wey soo dhamaadeen.

Hadaba waa kuma Cawad Ibnu Cawf:

Bin Cawf wuxuu horaantii kontomaadkii ku dhashay Qura meel la yiraahdo oo ku taala degmada Wad Maalik, wuxuu wadanka Masar u aaday si uu ciidanimo usoo barto isagoo ku takhasusay Madaafiicda, sidoo kalana wuxuu markii dambe macalinka ka noqday kulliyadda lagu diyaariyo saraakiisha.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale taliyaha sirdoonka militariga ayuu noqday intii uu ku jiray shaqada ciidanka, sidoo kalana wuxuu door aan la dafiri karin ku lahaa iney isku soo dhawaadaan dowladaha Sudan iyo Eritrea wakhtigii uu madaxda ka ahaa guddigii nabadgelyada ee ka qeyb qaadanayay wada xaajoodka labada dal.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2010, wuxuu isaga fariistay shaqada ciidanka isagoo dhinacyo badan kala shaqeeyay dowladda, wuxuu noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka, sidoo kalana safiirka Sudan u fadhiya Cuman ayuu mar noqday, halka uu sidoo kale safaaradda Masar ee wadankiisa ka shaqeeyay.

Lama filaan ayey aheyd markii dhamaadkii 2015 Al-Bashiir uu digreeto ku magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf, isagoo ka dhigay wasiirka Gaashaandhigga.

Sida la fahamsan yahay ciidanka Sudan waxey qaadeen tallaabo aan la dafiri karin tan iyo markii xilka loo magacaabay, balse wuxuu ka biyo diiday inuu qaato talada shacabka ee aheyd iney dowladda ciidamadeeda kala soo baxdo Yemen, wuxuuna garab istaagay go’aankii dowladda isagoo sheegay iney isbaheysiga kasii mid ahaan doonaan.

Ugu dambeyntii Cawad waa mid aysan ku qanacsaneyn Qaramada Midoobay oo ku dartay liiska dadka masuulka ka ahaa dhibaatooyinkii ka dhacay Darfur sanadkii 2005, sidoo kalana mareykanka isagana wuxuu ku daray dadka u calaameysan ee dhibaatooyinka ay ku eedeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
caasimada@live.com