Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey dhibaatada DF ka haysata ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay tirakoobka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdiisa  labadii sano ee lasoo dhaafay dhibaatooyin waa weyn ay soo wajaheen.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay in la tirakoobo Ciidanka si loo siiyo qalabka iyo adeegyadda ay u baahan yihiin, laakiin arintaasi ay kasoo wajahday Caqabad waa weyn oo cuuryaamisay dowladda.

Waxaa uu sheegay in hadda laga gudbay Caqabado badan oo ka yimid dhanka Ciidanka, islamarkaana hadda loo gudbiyay in la tayeeyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in cadowga ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arrintaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

Hoos ka dhageyso madaxweyne Farmaajo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com