Waa maxay danta shaqsi ee wasiir Xoosh ugu jirta in lagu laabto 8-da kursi ee muranku ku jiro?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka ee Somalia mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay qoraal uu soo saaray ku ayiday mowqifka Maxkamadda sare taas oo iyadu dooneysa in lagu laabto 8 kursi oo muran ku jiro waxaana uu wasiir Xoosh sharci daro ku tilmaamay go’aankii uu Baarlamaanku ku diiday in lagu laabto kuraastaas.

Inkastoo Xoosh uu yahay wasiirka Dastuurka oo uu xaq u lee yahay inuu ka ka hadlo xaaladaha dastuuriga ah hadana waxaa jira humaag hoose iyo ujeeddo shaqsiyadeed oo uu ka lee yahay in lagu laabto kuraastaas.

Xoosh waxaa uu ka mid ahaa shaqiyaadkii ka tartamay Puntland iyagoo raadinaya kuraas Baarlamaan balse laga adkaaday hadana aan ku qancin natiijadda.

Xoosh ayaa ka mid ahaa 61 xubnood oo horey maxkamadda ugu gudbiyay dacwo ay ku sheegayaan in kuraastoodii la boobay ayna rabaan in lagu laabto, waxaana hadda u muuqda ifafaalo fiican hadii lagu laabto 8-daan kursi.

Xoosh ayaa raba in hadii 8-daan kursi lagu laabto ay isaga iyo 60ka xubnood ee kale ay soo jeediyaan in kuraastoodii lagu laabto taas oo keeni karta in doorashadii madaxtinimadda ee dhacday 8-dii Febraayo ay xitaa sharci daro noqoto.

Gudoomiyaha maxkamadda sare iyo wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa la sheegay iney dano hoose ka dhaxeeyaan waana taas sababta arinta 8-da kursi wali loo daba socdo.

Dadka yaqaana shaqsiyadda wasiir Cabdiraxmaan Xoosh waxaa ay sheegaan inuu yahay nin ay ku adag tahay inuu samro mar walbana raadiya dantiisa gaarka ah.

Xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qaba in la damiyo muranka kuraasta si Baarlamaanku uu shaqooyinkiisa kale ugu soo jeesto, aysanna ahayn caqli in xildhibaano codeeyey, oo xitaa doortay madaxweyne la yiraahdo waxay ahaayeen sharci darro, taasi oo madaxweynahana ka dhigi karto doorashadiisa mid aan sax ahayn.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com