Khilaafkii wasaaradda arrimaha gudaha oo la xaliyay (Maxaa lagu dhameeyey?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah loo dhameeyey khilaafkii ka dhex taagnaa wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta kadib markii ay soo dhex gashay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey oo laga helay Muqdisho ayaa xaqiijinayo in la dhameeyey khilaafkaas isla markaasna la isku raacay in la aqbalo waraaqda xil ka qaadista ah ee uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Khilaafkaan ayaa si hoose loo dhameeyey, waxaana xiisadaan soo kala dhex gashay Madaxtooyada Vill Soomaaliya, waxayna madaxtooyada iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya shirar kala gooni gooni ah la yeesheen dhinacyada is khilaafsan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in xoghayihii xilka laga qaaday ee  Prof.  Mr Yaxye Cali Ibraahim uu macsaleemeeyey Shaqaalaha wasaaradda isla markaasna uu aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa horay ugu adkeystay wareegtadii uu shaqada kaga joojiyay Xoghayihii joogtada Wasaaradda Mr Yaxye Cali Ibraahim, kaddib markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo Wasiir kuxigeenka ay ka soo daba saareen warqad kale oo lid ku ah, isla markaana sharci darro ku tilmaamay shaqo ka joojinta.

Xafiiska xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa saakay waxaa soo fadhiistay xogyahaya xilkaas loo magacaabay ee Mr C/llaahi Maxamuud Xasan Azhari kadib markii qaab Sulux ah loo dhameeyey khilaafkii taagna sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida muuqato Prof. Yaxye ayaa helay ballan qaadyo ku aadan in loo magacaabi doono xil kale, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee keentay inuu xil ka qaadistaas aqbalo.

Sida la xasuusta markii xilka loo magacaabayey Prof. Yaxye, waxaa laga qaaday Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow oo lagu qanciyey in loo magacaabo   xoghayaha joogtda ah ee wasaaradda Cadaaladda, waxaana hadda Yaxyana lagu qanciyey in xil kale loo magacaabo doono, wuxuuna xilkaan noqday in qof kasta oo laga qaado lagu qanciyo in la siin doono xil kale.

Khilaafkaan ayaa gaaray meeshii ugu sareysay wuxuuna Juxa ku adkeystay inaan marnaba la jabin karin xil ka qaadis uu sameeyey , taasina waxay ugu dambeyn keentay in Yaxye la qanciyo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com