Puntland oo aan Farmaajo ka helin wixii ay uga barteen madaxdii ka horeysay

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Maamul goboleedka Puntland ayaa kasoo dhacay fooqa sare ee darajadda maamul goboleedyadda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Somalia ayaa yareeyay maqaamkii ay madaxddii hore siin jirtay Puntland isagoo aaminay iney Jubbaland ka mudan tahay waxyaabaha qaar kaas oo ah maamul goboleedka ugu badan oo ay qabiiladda Soomaalidu ku mideysan yihin.

Magaaladda Kismaayo ayaa marti galineysa shirar badan oo lala aadi jiray Puntland waqtiyadii hore, waxaana ugu dambeeyay shirka wada-tashiga isgaarsiinta Qaranka kaas oo ay Puntland qaadacday iney ka qeyb gasho.

Ex-madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud aya horey ugu fashilmay inuu Soomaalida oo dhan uu u aqoonsaday qancinta hal-beel oo dagan Puntland waxaana taas badalkeeda uu Farmaajo aaminsanyahay in si wada jir ah loola fal-galo maamuladda oo dhan.

Dadka arimaha maamul goboleedyadda wax ka qora ayaa qaba in Puntland ay ka careysan tahay qaabka loola macaamilaayo xiligaan, waxaa jira warar sheegaya inuu arintaan sabab u yahay madaxweyne Gaas oo mucaarad ku ah Farmaajo.

Waa markii ugu horeysay oo ay Puntland weyso kool koolin dheeri ah oo ay horey u heli jirtay iyadoo la xasuusto in ex-madaxweyne Shariif Shiikh Axmed uu wax walba uga tanaasuli jiray maamulka Puntland.

Hadda taliska madaxweyne Gaas waxaa laga sugaya inuu la qabsado jawigaan cusub oo ay dadkooda dhinaca ka raacan, inkastoo qubradda qaar ay qabto in Puntland aaney sidaas kaga qancin doonin madaxweyne Farmaajo ilaa uu kasinaayo wixii ay ku heli jireen ereyga “waxaa nahay hooyadda Federaalka”.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com