R/W Kheyre iyo wasiiro dhowr ah oo goordhow la kulmaya maxaabiista

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa lagu wadaa in goordhow uu kulan la qaato Maxaabiista laga soo daayay Xabsiyada Ethiopia ee Muqdisho la keenay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Maxaabiista kula kulmaaya Xabsi ku dhow Dekedda magaalada Muqdisho oo lagu xareeyay Maxaabiistii xalay laga keenay Dalka Ethiopia.

Kheyre ayaa waxaa ku wehlinaaya kulanka tirro Wasiiro ah, waxaana lagu wadaa inuu kala hadlo dhibaatooyinka heysta, Caafimaadka iyo waxyaabaha ay ka filankaraan dowlada Somalia, maadaama ay dhowr sano u xirnaayen xabsi sabab la’aan ah.

Waxaa sidoo kale, Xabsiga ku sugan Suxufiyiin oo la doonaayo inay wareysiyo lasameeyan Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiirada wehlinaaya, si waxbadan looga ogaado xaalada Maxaabiista iyo qorshaha dowlada.

Sidoo kale, ehelada Maxaabiistaan Soomaliyeed ayaa la qorsheeynayaa in dhawaan fursad loo siiyo si ay ula kulmaan.

Geesta kale, Xukuumada Somali ayaa ballanqaaday in waxbadan ay ka bedeli doonto xaalada ay iminka ku jiraan Maxaabiista shalay kasoo degay Muqdisho.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com