Waa maxay sababta dalalka qaarkood u mamnuuceen duulimaadyada dalka UK?

London (Caasimadda Online) – Koonfurta wadanka Ingiriiska waxaa ka dilaacay nuuc cusub oo Coronavirus ah, waxaana yimid walaac badan oo ay dalalka caalamka ka qabaan inuu usoo gudbo.

Matt Hancock oo ah xoghayaha caafimaadka Ingiriiska ayaa sheegay iney u caal waayeen xakameynta nuuca cusub ee COVID19, wuxuuna xanuunka usii gudbay wadamo ay ka mid yahiin Denmark iyo Netherland.

Wadamo badan ayaa joojinaya duulimaadyada kaga imaanaya wadanka Ingiriiska waxaana ka mid ah: Ireland, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands iyo Belgium

Wadanka talyaaniga wuxuu xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay nuuca cusub ee Covid19, qofka laga helay wuxuu kaga yimid wadanka Ingiriiska, sidoo kale wadanka Turkiga ayaa go’aan ku gaaray inuu si kumeel gaar ah u joojiyay duulimaadka kaga imaanaya UK.

Dhinaca kale dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday iney joojisay duulimaadyada ka imaanaya wadanka Ingiriiska.

Dad ku dhaw 2 Malyan oo qofood ayaa u geeriyooday xanuunka Covid19 tan iyo markii uu dilaacay, sidoo kalana ku dhawaad 100 Malyan oo qofood ayuu xanuunka haleelay iyadoo ay ka bogsatay 43 Malyan.