Waa maxay sababta uu Farmaajo xilligaan u joogo madaxtooyada?

Mogadishu (Caasimadda Online) – Madaxweynaha lSoomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa maanta Villa Somalia ku caasuumay Xasan Shiikh Maxamuud oo uu waqtiga xilkiisu idlaaday.

Xasan Shiikh ayaa kulan qado ah ku casuumay Farmaajo iyadoo uu kulankoodu imaanayo maalin ka hor Xafladda Xilwareejinta Madaxweyne ee dalka Soomaaliya oo ku beegan berri oo Khamiis ah 16ka Febraayo 2017ka.

Waa markii labaad oo uu Xasan Shiikh casuumayo Farmaajo tan iyo markii la doortay 8dii bishaan, balse kulankoodii ugu horreeyey wuxuu keliya ahaa mid Madaxweynaha la doortay lagu kala barayey Madaxtooyada Soomaaliya.

Maadaama berri la qaban doono Xafladda Xilwareejinta Madaxweynaha waxaa laga yaabaa in la xiro waddooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa kasoo guuri doona Hoteel Jasiira oo uu degan yahay, wuxuuna usoo guuri doonaa Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo berri Xilka Madaxweyne lagu wareejin doono, waxaana kulankaan haatan soconaya diiradda lagu saarayaa qaabka iyo jadwalka Xafladda Xilwareejinta.

Ugu dambeyntii, marka laga tago Xafladda Xilwareejinta Madaxweyne, waxaa 22ka bishaan Febraayo dhici doonta Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com