Weriye ka qeybqaatay Doorashada Farmaajo ee lagu xiray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ah u dhaqaaqe dhanka bulshada ah ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa goor dhaw sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada madaxda Somaliland.

Coldoon ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qeyb ahaa dadkii goob joogga u ahaa doorashadii lagu doortay Farmaajo, tiiyoo ay usii dheer tahay inuu si gaar ah ula kulmay madaxweynaha la doortay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee xabsiga la dhigo Wariye Coldoon iyadoo la xasuusto iney horay dhawr jeer loo xiray.

Wixii Warar Ah Ee Kusoo Kordha Kala Soco Caasimadda Online

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com