Ergeyga Midowga Africa oo hadal aan laga fileyn ku qeexay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – RANCISCO CAETANO JOSÉ MADEIRA oo ah ergeyga gaarka ah ee midowga Africa ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya markaas oo uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo helay codadkii ugu badnaa ee Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Ergeygaan ayaa ka dhawaajiyey in Soomaaliya uu hadda waaga u baryey maadaama ay doorteen sida uu sheegay madaxweynihii ku haboonaa xilkaaas oo uu ula jeeday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

‘Soomaaliya iminka waxay leedahay madaxweyne si dimoqraadi ah ay u doorteen xubnaha labada aqal ee baarlamaanka qaran, waana madaxweyne xilkaas ku haboon’.  Sidaa ayuu bayaan ku yiri.

‘Waxaan u hambalyaynayaa madaxweynaha la doortay Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo. Waxaan u rajeynayaa guul haatan oo uu isku dayayo inuu dalka u horseedo mustaqbal ifaya’.

Eregeygaan ayaa tilmaamay in wax kasta oo la isku qabto ay xallin doonaan baarlamaanka maadaama wadanka uu yeeshay laba aqal isagoo ku tilmaamay  in doorashadii 8dii bishaan dhacday ay gun dhig u aheyd in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

“ Waxaan hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu baaqayaa inay ka faa’ideystaan fursadaan hadda ay heystan oo ay garab istaagaan madaxweynaha cusub si loo gaaro dib u heshiisiin  rasmi ah iyo midnimo qaran” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caaismada@live.com