Waa tuma Jaamacadda Soomaaliyeed ee soo saartay madaxweyne iyo 7 R/W?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlay munaasabadaha soo dhaweynta ah ee ay ardayda Soomaaliyeed  ee wax kusoo bartay dibadda u sameeyeen ra’iisul wasaaraha cusub Soomaaliya, waxaayana ugu dambeeyey ardayda wadanka Malaysia.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale xusay inay jiraan munaasabada kale oo ay dhigeen arday wax kusoo bartay Sudan, Turki iyo wadamo kale, uuna boggaadinayo tallaabadaasi.

Haddaba waa Waa tuma Jaamacadda kaliya ee soo saartay madaxweyne iyo 7 ra’iisul Wasaare?

Yuusuf Garaad ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay tahay jaamacadda kaliya ee soo saartay madaxweyne, ugu yaraan 7 ra’iisal Wasaare, wasiirro iyo danjireyaal fara badan oo ka howlgala qaar ka mid aha wadamada caalamka.

“Ma is weydiisay, waa tee Jaamacadda keliya ee soo saartay Madaxweyne, ugu yaraan 7 Ra’iisal Wasaare, Wasiirro Ka badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu, Danjirayaal ay ka mid yihiin New York, Washington, Moscow iyo qaar kale oo badan, boqollaal Xildhibaan iyo Senetar, Madaxweyneyaal Goboleed iyo waliba Guddoomiyeyaal Gobolka Banaadir?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Jawaabtu waa JUS oo u taagan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah maskax, maal, aqoon iyo Ajende Soomaaliyeed,”.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Soomaali ka soo qalin jebisay Malaysia ayaa dhowaan xaflad ku qabsaday Muqdisho. Ra’iisal Wasaare Xamsa oo iyaga ka mid ah ayaa ka qeyb galay.

Waxaa ka horreeyay Soomaalida Sudan ka soo qalin jebisay iyo kuwa Turkiga. Intaa iyo kuwa laga yaabo in aanan xusuusan xafladahoodaw waxaan idin leeyahay hambalyo.

Waa aqoonyahanno dalka hooyo wax u soo bartay. Waan bogaadinayaa iyaga iyo kuwa Talyaani, Masar, Sucuudi, Kenya, Ethiopia, Uganda, South Africa, India, Pakistan, China, Ukraine, Norway, Netherlands, Cuba, Russia, Canada, UK, USA iyo dalal kale oo badan wax ku soo bartay iyo kuwa hadda dalal kale u jooga waxbarasho.

Laakiin ma is weydiisay, waa tee Jaamacadda keliya ee soo saartay Madaxweyne, ugu yaraan 7 Ra’iisal Wasaare, Wasiirro Ka badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu, Danjirayaal ay ka mid yihiin New York, Washington, Moscow iyo qaar kale oo badan, boqollaal Xildhibaan iyo Senetar, Madaxweyneyaal Goboleed iyo waliba Guddoomiyeyaal Gobolka Banaadir?

Jawaabtu waa JUS oo u taagan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah maskax, maal, aqoon iyo Ajende Soomaaliyeed.

Kor Allah ha ka yeelo iyada iyo Hoggaankeeda, Macalimiinteeda iyo ardaydeedaba – kuwii Hore iyo kuwa hadda joogaa.

Sidoo kale, dhammaan Soomaalida wax ku bartay Jaamacadaha kale ee dalka iyo dibaddiisaba.

Burburkii ka dib, JUS waxaa dib u soo nooleeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, xilligiisii koowaad.