Waa tuma Saxarla C/llaahi: Gabadhii ugu horreysay ee SOOMAALI ah ee xildhibaan ka noqota Addis Ababa?

Addis ababa (Caasimada Online) – Saxarla Cabdullaahi Bahdoon ayaa noqotay inta taariikhda la ogyahay qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo Xildhibaan loogu doorto Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Saxarla Cabdullaahi ayaa hadda ah wasiiru dowlaha arrimaha caafimaadka dowladda federaalka ee waddanka Itoobiya.

Waxay kusoo baxday cod aqlabiyad leh kadib tartan adag oo ka dhacay doorashadii bishii hore loo galay kursiga Xildhibaanimo ee Xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF.

Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.

Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay.

Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba.

2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan.

Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika.

2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi.