Xog: Ninka Imaamka ahaan jiray ee loo haysto dhaca 60-ka haween oo noqday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo wali uusan dhamma baaritaanka ay waddo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa haddana warar hordhac oo aan ka helnay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay sheegayaan, in Cabdifitaax Cali Cumar oo loo heysta dhaca dumar badan uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. 

Cabdifitaax oo lala soo qabtay nin kale iyagoo wata gaari islamarkaana Bastoolad dadka ku dhacaya ayaa qirtay in uu ahaan jiray Khadiib Masjid iyo in uu dhacay 30 dumar ah, kuwaas oo uu ka qaatay mobeelo ay wateen, inkasta oo tirada dumarka uu dhacay la gaarsiinayo 60.

Ilo-wareedyo kuwa ammaanka ah ayaa sheegay in Cabdifitaax uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab kadibna uu ka baxay isagoo aaday Nairobi markii uu dib ugu soo laabtay dalkana uu markale ku biiray Al-Shabaab isagoo hadda u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda. 

Askartii soo qabatay Cabdifitaax ayaa Maxkamada ka sheegay in uu siiyay lacag dhan 3 kun oo dollar, halka akoonkiisana la sheegay in ay ku jirto lacag ka badan 20 kun oo dollar. 

Xogta ayaa tilmaameysa in ninkaan uu ahaa sarkaal dhinaca maaliyada ah oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna lacagaha ka qaadi jiray ganacsatada, hay’adaha iyo dadka kale oo ay lacagaha ka qaadaan Al-Shabaab. 

Si kastaba, ma cadda sababta Cabdifitaax u gaysay dhaca, ayada oo saraakiisha Al-Shabaab aan inta badan lagu aqoon dhaca waddooyinka, balse ay dadka ku dhacaan hab qasab ah, sida canshuuraha iyo lacagaha kale ee ay weydiistaan.

Si kastaba waxaa la filayaa in dhawaan la soo gaba-gabeeyo dhagaysiga dacwadda Cabdifitaax oo si gaar ah isha loogu haayo, ayada oo kadibna la filayo xog badan inay dibedda usoo baxdo.