Waare oo shaaciyey in DF ay xanibtay $35 milyan + beegsi lagu hayo degaano gaar ah

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay xanibtay lacag gaareysa 35 milyan oo dollar oo loogu talo-galay in wax looga qabto fatahaadda Webiga Shabelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waa nasiib darro in 35 milyan oo dollar oo ay fatahaadaha ugu deeqeyn Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka, looguna talo-galay dooxada Shabelle ay xanibeen wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, iyo Beeraha ee dowladda federaalka. Ceeb idin ku dhacday,” ayuu Waare ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Waa markii labaad oo dowladda federaalka ay xanibto lacag loogu talo-galay fatahaadaha, ayada oo laba sano kahor lacag sidan oo kale ay u xanibtay oo ka timid Jabuuti ay fadeexad kala kulantay, ayadoo markii dambe fasaxday. 

Ma cadda sababta, hase yeeshee wasiirada dowladda qaarkood ayaa la sheegay inay qabyaalad darteed u xanibaan mashruucyada laga fuliyo deegaanada koonfurta Soomaaliya oo aysan kasoo jeedin, si gaar ahna wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, kan maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyo kan Beeraha Siciid Xuseen Ciid.

Magaalada Jowhar ayaa maalmihii tegay waxaa ka dhacay fatahaad xooggan oo ay ku barakaceen kumanaan qof, ayada oo ay biyo qarqiyeen magaalada.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay FAO ayaa digniin ay soo saartay uga digtay in xaaladda ay kasii dari karto, ayada oo daadad xoog leh ay ka dhalan karaan roobab dhowrkii maalmood ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo si aad ah usoo buux dhaafiyay wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

FAO ayaa sidoo kale sheegtay in roobab u culus ay ka da’een dhulka Buuraleeyda Itoobiya kuwaas oo si toos ah daadadka ugu soo shuba gudaha Soomaaliya, gaar ahaana waxay si aad ah u saameyn doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda waxba ka qaban dhibaatada webiga Shabeelle ee Jowhar, ama xitaa aan ka hadal.