Video: Sarkaalkii rasaaseeyey taageerayaasha xisbiga Wadajir oo qaaday tallaabo lama filaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) –Daahir Cabdiraxmaan Maxamed oo ah sarkaalkii ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya ee isgoyska Banaadir ee Muqdisho ku rasaaseeyey gabdho dhigayey banaanbax ka dhan ah Farmaajo 25-kii bishii December ee sanadkii hore ayaa hadda qirtay dembigii uu geystay, isagoo dalbanaya cafis.

Gabdhihii uu maalinkaas rasaaseeyey sarkaalkan waxaa ka mid aheyd Deeqo Soomaali oo maalmahaas sheekada ku saabsan ay aad u qabsaday baraha bulshada, kadib markii aad loo faafiyey sawirro laga qaaday, isagoo madaxa uga haya bistoolad.

Sidoo kale rasaas ayuu hor ugu riday gabdhahaan, balse ma aysan joojin banaanbaxoodii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo.

Maanta ayaa kulan ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir ee Muqdisho waxaa ka dhacay kulan soo hoyasho ahaa oo Daahir Cabdiraxmaan uu cafis uga dalbanayey gabdhihii uu isgoyska Banaadir ku xabadeeyey sabayaaqadii sanadkii hore.

“Maanta waxaan joogaa guriga xisbiga Wadajir oo ay joogaan gabdhihii walaalahey ahaa ee ay wax na kala gaareen, iyagoo ku banaanbaxaaya isgoyska Banaadir, kadib markii aan xabado kor ugu riday gabdhahaas, arrintaas si qalad ah ayey aniga iiga dhacday, marka maanta waxaan ka codsaday cafis, waana iga aqbaleen,” ayuu yiri Daahir Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Deeqo Muxudiin oo loo garan ogyahay (Deeqo Soomaali) oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Daahir uu uga soo hoyday qaladkii uu ka galay, isla markaana uu ka dalbaday cafis, iyaguna ay cafiyeen.

“Waxaa maanta garabkeyga taagan walaalkey Daahir oo 25-kii December aad ogeydeen inuu nagu xabadeeyey isgoyska Banaadir, anagoo banaanbaxeyna, Daahir Ilaahey waxuu maanta tusay inuu qirto qaladkii uu naga galay, waxuuna noogu yimid inuu naga dalbado cafis, anagana si niyadsami leh ayaan u cafinay,” ayey tiri Deeqo Soomaali.

Hoos ka Daawo