Waare: Somaliland waxay ku kacday xadgudub ka weyn kii ay ka tirsaneysay kacaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.

Waare ayaa musiibo ku tilmaamay in duqeyn xooggan lagu garaaco magaalada Laascaanood, iyada oo la heli karo xal aan dagaal iyo madaafiic aheyn oo labada dhinac isku fahmi karaan.

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu Laascaanood ka geystay xad-gudub ka weyn kan ay ka tirsaneysay dowladda millateriga aheyd, kaasi oo ay qiil uga dhigato qadiyadeeda gooni isu-taagga.

“Wixii dhibaato dhacay oo dad la qarxiyay, gaajo loo dilay in maanta dagaal sii socda waa musiibo, bani aadanku ilko iyo carab ayaa isku dhaw way is qaniinaan balse waxaa lagu kala hormaray sidee khilaaf loo xaliyaa,” ayuu yiri.

Xukuumadda Somaliland iyo Muuse Biixi ayuu usoo jeediyay in ay raadiyaan xal aan xabad ahayn, haddii uu ku adkeystana uu ka dhaxlayo dhibaatooyin daba soconaya adduun iyo aakhiro.

“Dadka marka la leeyahay waa indheer-garad waxaa u muuqda waxa soo socda, in colaad xal la moodo waa nasiib darro, haddii caqliga saliimka ah la oddoroso meesha ay wax ku dhammaanayaan waxaa muuqda raad aan wanaagsaneen.”

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay labada dhinac ee isku haya Laascaanood ay miiska wada-hadalka ku xaliyaan xiisadda taagan.

“Waa nasiib darro in colaad xal la moodo innaga oo og wixii lasoo maray,” ayuu yiri Waare.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, ayada oo dagaalka uu socda muddo ku dhaw bil, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.