Maxay tahay danta ay dalalka ku shiraya magaalada Doha ka leeyihiin Soomaaliya?

Doha (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee dawladd Qatar ayay ku sheegtay inay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya. 

Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washington DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan oo la filiyo in uu saddex bil kadib ka qabsoomo magaalada Dooxa.

Qodabada diiradda lagu saari doono kulanka ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Haddaba su’aasha dad badan oo Soomaliyeed is-waydiinayaan ayaa ah, maxay tahay danta ay dalalkan ka leeyihiin caawinta Soomaaliya. 

Haddii aynu dib u milicsano xiriirada kala dhaxeeya dalalkan Soomaaliya:

Dawladda Qatar waxay muddo saaxiib kaalmeeya la ahayd dawladda Soomaaliya. Shantii Sano ee la soo dhaafay waxay mashaariic ka fulisay Soomaaliya – waxaa kamid ah waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.  

Sidoo kale Qatar waxay Soomaaliya shqaale ahaan uga qaadatay boqolaal dhallinyaro ah, oo qaarkood loo qaatay shaqo ciidannimo. 

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa iyana Soomaaliya muddo ka kaalmeyneysay arrimo uu ammaanku ka mid ayahy. Waxay u tababartay Soomaaliya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladdii Farmaajo kadib khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhexgalay. 

Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horreeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin waddamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya.

Maxay tahay sababta isku dan ka dhigtay dalalkan? 

Dalalka Khaliijka ayaa ah kuwa lagu yaqaanay khilaaf diblomaasiyadeed oo muddo dhexdoodu ka jiray. Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddo ka mid ah kuwa khilaafkoodu soo jiitamayay. 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad wuxuu qabaa in khilaafkii u dhaxeeyay dalalkaas uu sii yaraanayo, kadib booqashooyinkii ay dalalkooda isku soo booqdeen amiirada Qatar iyo Imaaraadka. 

“In Amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zaayid uu booqda Qatar wax la fili karay ma ahayn sanad kahor. Amiirka Qatar wuu ka jaawabay taas oo wuxuu booqday Imaaraadka. Sidoo kale Sacuudiga oo qayb ka ahaa [Khiilfka],” ayuu yiri Cawad oo BBC-da la hadlayey. 

Arrimaha sidoo kale diiradda lagu saari doono kulankan ayaa waxaa ka mid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Waxay sheegeen dowladahaan inay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii ay u gaari lahayd hanaanka caalamiga ah ee maamulka hubka.

Sida uu qabo Axmed Ciise Cawad, dawladaha Khaliijka ayaa haatan u arka in ay dano isku mid ah ka leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalna ay ajiibeen yeermada dawladda Maraykanka oo ay tixgalin u hayaan.

Soomaaliya ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku jirtay guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaaso oo loogala wareegay deegaano badan oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka.