Duqa LAASCAANOOD oo caalamka u diray dalab ka dhan ah ciidamada S/L iyo SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa magaalada Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo dalbaday in dhinacyada isku haya ay ka baxaan gudaha magaalada.

Duqa Laascaanood oo beesha caalamka ku wargeliyay tacadiyo uu sheegay in Somaliland ay kula kacday dad aan qeyb ka aheyn dagaalka iyo kuwa gudaha magaalada, ayaa waxa uu dalbaday si ay u dhaqan-gasho xabad joojin labada dhinac ah marka hore ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC laga saaro magaalada Laascaanood.

“Ciidamada Somaliland waa in laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, lana geeyo degmada Caynaba si ay u hirgasho xabad-joojintii labada dhinac isla qaateen. Sidoo kale in shacabka hubeysan (ciidanka SSC) ee magaalada gudaheeda ku dhex jira in laga saaro si loo soo celiyo adeegii bulshada, una soo noqdaan dadkii barakacay,” ayuu yiri.

Duqa magaalada Laascaanood ayaa ku macneeyay in soo jeedintan ay meesha ka saareyso dagaalka socda ku dhawaad bil, ayna fursad u siineyso dadkii ka barakacay magaalada inay dib ugu soo noqdaan.

“Waa in gargaar bini’aadannimo la soo gaarsiiyo dadkii dhibaatadaas saameysay oo ku sugan guud ahaan degmada Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buuhoodle. Kuwii gobolada kale u barakacay sida Puntland u barakacay in lala qabto wixii lala qaban karo.”

Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka, halka qaarkood ay dileen, sida uu sheegay.

“Somaliland waxay maxaabiis ahaan u kaxeysteen dadkii beeraleyda ahaa ee magaalada ka agdhawa iyo dadkii reer guuraaga ahaa ee xoolo dhaqatada ah iyo wax ma haystadii ka agdhaweyd magaalada, oo leeyihiin waxaa haysana maxaabiis dagaal, mana ahan ee waa dadka sidaas ah.”

“Magaalada waxaa ka socda xasuuq bini’aadannimo, cadowtinimo, ciribtir iyo wax aan hore u maqal, waxaas oo dhan waxaa masuuliyadeeda iska leh ciidamada Somaliland iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ee xukunta. Dhibaatada intaas le’eg inay ka dhacday Laascaanood ayaa waxaa u cadeynayna umadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khuseyso.”

Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.