Daawo: Ciidamada booliska oo soo qabtay ninkii Isgoyska Jubba ku dilay darawalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo kaashanaya dhigooda ciidanka Booliska dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii Arbacadii darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo loo haysta dilka Allaha unaxariistee Daahir Ibrahim Abshir oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhalinta ku shaqeysata gaadiidka Moota Bajaajta ayaa baxsaday kadib markii uu dilka geystay, ayada oo markii dambe ciidanka u suurta-gashay inay gacanta kusoo dhigaan.

Eedeysanahaan oo markii uu falka geystay u baxsaday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku guleysteen in gacanta lagu soo dhigo, waxaana sida ugu dhaqsaha badan la hor-geyn doona hay’adaha kale ee garsoorka dalka, ayada oo la marsiin doono cadaalada, sida uu sheegay taliska Booliska.

Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisoow oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ninkan lasoo qabtay ee dilka geystay uu kamid ahaa ciidamada Macaawisleyda, ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliye Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in eedeysanaha ay markii hore wada socdeen marxuumka uu dilay, oo ay saaxiib ahaayeen, sida uu sheegay.

“Wiilka ku dhintay halkan iyaga oo wada socda oo saaxiib ah ayay ahaayeen oo dhibkaas ayaa dhacay. Wiilkii dhintay Allaha u naxariisto kii wax geystay gacanta ku hayna oo waxaa iska kaashanay ciidamada gobolka Banaadir maadama uu gobolka uu wax ku dilay oo uu isku dayay inuu u baxsado gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa nagala qeyb qaatay howl-galka soo qabashada ehelladii uu ka dhashay wiilka dadka dilay oo marka uu dhibka dhacay waxay go’aan ku gaareen inay soo qabtaan meel kasta uu tago, ayaga ayaa noo fududeeyay.”

Taliska Booliska ayaa ugu dambeyntiina sheegay “in markasta u taagan yahay in uu si buuxdu u guto waajibkiisa shaqo, si dadka shacabka ee uu soo gaaro dhibkaan oo kale ay cadaalad u heleaan.”

Dilkan loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo maalmihii u dambeeyay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho.

Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka.

Intii uusan dilkaasi dhicin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaan caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.