Villa Somalia oo shaacisay sababta loo hakiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixisay sababta hakisay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka.

Dagaalka oo billowday bartamaha sanadkii tegay ayaa kooxda Al-Shabaab looga saaray deegaano badan oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka. 

Hase yeeshee, labadii bil ee tegay ayaa inta badan dagaalku istaagay, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa sheegay in dowladda ay soo geba-gebeysay wejigii koowaad ee howlgallada.

“Waa muddo kooban oo hakad ah, kahor duufaanta,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeda in duulaan kale oo culus uu soo socdo, islamarkaana gaabiska hadda ku yimid howlgallada uu yahay isu diyaarinta wejiga labaad ee howlgalka.

Waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howlgalka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalka wejiga labaad ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS. 

“Waxaan isku diyaarinaynaa wejiga labaad. Ayada oo ay nagu soo biirayaan ciidamo dheeraad ah oo aan qeyb ka aheyn ATMIS oo na taageeri doono, waxaan ku jirnaa xilligii qorsheynta, waa taas sababta hakadka keentay,” ayuu yiri.

“Qorshahooda [ciidamada ka imanaya Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti] waa inay Soomaaliya ku yimaadaan sideed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. 

Xuseen Sheekh Cali waa uu diiday inuu shaaciyo tirada ciidamada imanaya, sababo la xiriira “hadafka howlgalka.”  

Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah, ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaallada lagu wiiqayo loogana adkaanayo” Al-Shabaab.”

“Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri.