Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka: Somaliland waxa ay qeyb ka tahay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay hal siyaasadeed oo Mareykanka u u ku wajaho Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid ayada oo Washington uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay casuuntay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation.

“Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya,” waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Molly Phee

Sidoo kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa shalay sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.

André, oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Garowe Online, ayaa sheegay in inkasta oo Washington ay xushmeyso guulaha Somaliland, haddana ay weli u aragto gobol ka mid ah federaalka Soomaaliya.

“Waan xushmeynaa guulaha gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,” ayuu ku daray.

Safiirka ayaa mar kale adkeeyey midnimada Soomaaliya iyo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay.

“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu yiri.

“Waxaan su’aasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland inay go’aan ka gaaraan.”