Wada-hadalada Addis-Ababa: Jubaland oo aqbashay KMG iyo qodobo kale

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ka socda maalinkii lixaad wadahadalkii u dhaxeeyay Jubaland iyo DF Somalia, waxana ergo labada dhinac ka socda maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen shir la isku qabtay qodobo badan.

Wada hadallada ayaa marar badan burbur iyo fashil ku dhowaaday shirka, iyadoona ay soo dhexgalayeen beesha caalamka sida EU, IGAD iyo Dowladda Ethiopia oo martigelineysa wadahadalkan.

Si kastaba waxaa hadda soo baxaya xog cusub oo ay Caasimada Online heshay, taasi oo ku saabsan in DF ay gool weyn ka dhalisay Jubaland, islamarkaana ay ogoleysiisay qaar ka mid ah qodobadii ugu dhibka badnaa.

Sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen waxa ay Jubaland aqbashay in maamulkeeda noqdo mid KMG ah, islamarkaana shirka midkan xiga lagu qabto magaalada Muqdisho.

Saddexda gobol ee Jubooyinka iyo Gedo ayaa kala yeelanaya saddex gudoomiye iyo hogaan sare oo mideeya. Warar ayaa sheegaya in magaca ninka hogaaminaya saddexda guddoomiye gobol uu noqon doono Governor-ka guud.

Magaca Jublanad ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in lagu beddeli maamulka KMG ah ee Jubba.

Kadib maalmo ay tanaasul badan sameyneysa DF, ayaa hadda waxa ay u muuqataa in Jubaland ay dhankeed qodobo badan ka tanaasushay.

Waxaa wararku sheegayaan in galabta lagu saxiixi lahaa Addis qodobo labada dhinaci ku heshiiyeen, inkastoo markii danbe qaabka loo qoray lagu heshiin waayay oo dib u dhigtay saxiixa heshiiska Jubaland iyo DF.

Sidoo kale waxa la isku qabtay cid maamuleysa Dekedda iyo Garoonka magaalada Kismayo oo la sheegay in guddi loo saarao kaasi oo argadu ku kala fikir duwanaatay cida soo magacaabaysa

Shirka weli waa socdaa wixii kusoo korhdhana kala soo Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com