Wada-hadalladii Muuse Biixi iyo mucaaridka oo fashilmay iyo waxa ka dhalan kara

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba bur-bureen wada-hadaladii u dhaxeeyay xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in mas’uuliyada fashilka wada-hadaladii lagu dajinayay xiisada uu iska leeyahay madaxweyne Muuse Biixi.

“Wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad ku jiray ayaa wax ka weydiinay gudoomiyeyaasha Golaha Wakiilada iyo Guurtida, waxayna noo sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan madaxweynaha, wuxuu sheegtay in uu sharci ku taagan yahay.”

Sidoo kale waxay hogaanka xisbiyada mucaaridka ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uusan hayn cid ka tirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay, hadalkiisa iyo ficiladiisana u haysto inay sharci yihiin.

Ugu dambeyntiina waxay sheegeen in xukuumada Biixi ee waqtigeedu dhamaaday aysan ka yeeli doonin sharci darada ay xalaaleysanayaan iyo waxyaabaha ay doonayaan inay suurta-gal ka dhigaan.

Fashilka uu wajahayo wada-hadaladii u dhaxeeyay madaxweyne Biixi iyo mucaaridka ayaa markale dab kusii shidaya xiisada ka taagan gudaha Somaliland, taasi oo mar gaadhay gacan ka hadal iyo in la dhaawaco mas’uuliyiin sare.