Wadaad caan ah iyo walaalkiis oo lagu dilay BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay Macalin Cali Bashiir Xasan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, balse haatan Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Imaamka iyo walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen duleedka magaalada Baydhabo ee caasimada kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Macalin Bashiir ee deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhowaan ka tegay magaalada Boosaaso oo uu ku dhowaad 21 sano ka ahaa Imaam, wuxuuna hadda Mu’din iyo Imaamba ka ahaa  masjidka weyn ee Al-Nawaawi ee ku yaalla magaaladaasi Boosaaso.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay wadaadkaasi iyo walaalkiisa oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey ciidamada ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Inta badan deegaanada K/Galbeed waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar toos ah oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool.