Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday xero ku taalla Biyo-Cadde

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay markale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidanka dowlada & kuwa AMISOM.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burudi ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigga ciidanka AMISOM, balse ma cadda inta uu gaariisan yahay khasaaraha.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada AMISOM ay dhankooda hooboyiyeaal ku jawaabeen, kadib weerarka lagu soo qaaday xeradooda deegaanka Biyo-Cadde.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda haatan degan, hayeeshee waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi.

Biyo-Cadde waxaa ku soo noq-noqday weeraro joogto ah oo ay ku hayaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo ay waxyeelo kasoo gaartay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga oo uu ka mid yahay Korneyl Saney Cabdulle Gaab.

Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.