Puntland oo howl-gal ku dishay xubno Daacish ah

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.

Qoraal kasoo baxay taliska PSF-ta ayaa looga hadlay howl-galkaasi, waxaana taliska uu shaaciyey in lagu dilay xubno ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in xubnaha la dilay ay miino ay ku aasayeen aadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

“Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay  Puntland.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada Puntland laguma shaacin tirada rasmiga ah ee lagu dilay howl-galkaasi ka dhan ahaa kooxda Daacish.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ayaa sare u qaaday howl-gallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba Puntland ayaa xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Islaamiyiinta ah, iyada oo dhowaan xukun toogasho dil ah ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.