Sawirro: Maxuu ahaa u jeedka kulanka Rooble, mucaaradka iyo madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo qaar ka mid ah golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ka dhacay guriga uu madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo galabta la soo gaba-gabeeyey, isla markaana jadwal doorasho laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada.

Kulankaan ay caawa isugu yimaadeen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno ka socday golaha midowga musharaxiinta waxaa gogoshiisa dhigay oo madaxda casho sharaf u sameeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Golaha midowga musharaxiinta oo mudooyinkii dambe u muuqday mid ku kala jabay siyaasadda dalka ayaa xubnaha ka socday ee caawa kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ah, madxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdinaadir Cabdulle.

Xubnaha ugu cad-cad ee ka maqnaa kulankaas waxaa ka mid ah madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo aan la cadeyn sababta ka baajisay kulankii ay caawa isugu yimaadeen xubnaha ka kala socday mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horay u muujiyey saluugiisa ku aadan shaandhayntii u dambeysay ee lagu sameeyey guddiyada doorashooyinka, balse illaa hadda ma jiro siyaasi ka hor yimid ama saluugay heshiiskii maanta ay gaareen madax goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo lagu cadeeyey shaxda doorashada.