TPLF oo ku duuleysa Eritrea iyo Amxaarada kadib markii ay qabsadeen Makelle

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka, balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’.

TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka baxsaday magaalada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle. Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas.

Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalada Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan.

Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka, iyaga oo ridaya baaruud waxayna sitaan calanka ismaamulkii cagta la mariyey ee Tigray, kaas oo hadda soo laba kacleeyey. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socdo banaanka hore ee caasimadda Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidamada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka laga soo galo caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan.