Daawo: Beesha MURUSADE oo baaq u dirtay PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq culus oo la xiriira dhalinyaro ay xirtay maamulka Puntland oo muddo u xiran, islamarkaana aan lasoo taagin maxkamadd.

Odayaasha ayaa sheegay in dhalinyartaas oo dhan lix qof ay u xiran yihiin maamulka Gaalkacyo ee Puntland, kuwaasi oo ay sheegen inay u xiran yihiin muddo ka badan lix billood.

Dhalinyarta ayaa waxay u tageen Puntland sidii ay uga shaqeysan lahaayeen, ayaga oo qaarkood ka ahaayeen wadayaal mooto bajaaj iyo hiliblayaal, sida ay sheegen Odayaasha iyo waalidka la hadlay warbaahinta.

“Waxaa ka codsaneyna dowladda Puntland, gaar ahaan madaxweyne Deni in ilmahaas uu xoriyadiisa u soo celiyo,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha shirka jaraa’id qabtay ee dalbanayey in dhalinyartaas la sii daayo.

Sidoo kale waxay beeniyeen inaysan wax lug ah ku laheyn dhalinyartaas argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, midaasi oo loo badinayo in maamulka Gaalkacyo uu u xirtay dhalinyartaas, inkasta oo aan loo ogeyn si rasmi ah.

Odayaasha iyo waalidiinta qabtay shirka jaraa’id ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo dhalinyartaas ama la cadeeyo waxa loo haysto mudada ka badan lixda billood.

Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili uu maamulka Puntland uu shalay dil toogasho ah ku fuliyey rag ay ku sheegen inay ka tirsan yihiin kooxaha argixisada.

Hoos ka daawo muuqaalka