Soomaaliya oo ay ka billaabatay in la masaafuriyo culimo caan ah

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa goordhow soo musaafuriyay Sheekh Cabdicasiis Aadam Urur oo ka mid ah culimada sida aadka ah looga yaqaan Somalia.

Sheekh Cabdicasiis oo deegaankaasi laga soo musaafuriyay ayaa iminka soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa uuna warbaahinta u sheegay in loola dhaqmay si bani’aadanimada ka baxsan.

Sheekh Cabdicasiis, waxa uu sheegay in musaafurintiisa ay timid kadib markii xubno ka tirsan maamulka ay ku eedeeyen qodobo uu sheegay inuu waafajiyay sharciga islaamka.

Waxa uu sheegay in marba waji cusub lagula dhaqmaayay waxa uuna carab dhabay in lagu dalbaday carruur yar yar oo uu sheegay inay kamid ahaayen ciidamada maamulka.

Waxa uu sheegay in maalmihii ugu danbeeyay lagu bilaabay Hanjabaado ah in la khaarijin doono, waxaana xigay in markii danbe ay ciidamada kala soo baxeen hooygiisa kadibna ay kula kaceen jir dil.

Ma uusan sheegin waxyaabaha loo adeegsaday jir dilkiisa balse waxa uu sheegay in lagu heysto kamid ahaanshiyihiisa culimada degmada Baardheere.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada ee ku aadan cabashada Sheekh Cabdicasiis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com