Dagaal uu dhiig ku daatay oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaalkaani ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii labada ciidan ay lasoo kala safteen laba qoys oo guryo uu khilaaf ka taagan yahay isku haya.

Dagaalka oo socday ku dhawaad hal saac ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Siliga ee isla degmada, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalkaasi uu galaaftay dad shacab ah.

Goobjooge ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 3 ruux, sidoo kalane ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaal Madiina, halka meydadka ay halkaasi ka qaaden ciidamada maamulka.

Maamulka degmada Dharkiinley ayaan wali ka hadal dagaalka waxaana jira warar sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayen ciidamo ka howlgala xarunta degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com