Diyaarad goordhow kusoo dhacday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Diyaarad nooca wax basaasa, ay kusoo dhacday Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Diyaarada oo aheyd nooca yar yar ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska ee ka howlgala degmada.

Diyaarada ayaa si gaar ah ugu dhacday Suuqa Beerta ee Degmada Waabari, waxaana halkaasi isku gadaamay ciidamada oo markii danbe halkaasi ka qaaday diyaarada.

Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidanka amniga oo goobta Diyaarada ay ku soo dhacday gaaray ayaa sheegay in Diyaarada ay tahay nuuca wax basaasta.

Ilaa iyo hada lama oga halka ay ka timid Diyaaradan iyo sidoo kale ujeedada gaarka ah ee laga lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com