Amiin Camir oo sawir ku muujiyey fadeexadda wasiir Maareeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu cabiray shaqooyinka cusub ee uu abuuray Wasiirka Wasaarada Warfaafinta xukuumada Somalia Maareeye kaasi oo la sheegay in shaqo uu ka dhigtay la xisaabtanka Bajaajlayaasha, halka Wasaaraduna uu ka dhigay mid howlgab ah oo u kala xiran shaqsiyaad.

Sawirka ayaa waxaa lagu muujiyay Maareeye oo dhexda u galay Mooto Bajaaj, isaga oo ku amraaya in dhammaan la xanibo Bajaajka lagana celsho wado waliba oo ay marayaan, sida ku cad qoraalka sawir gacmeedka.

Sawirkaani wata xigmada ayaa waxaa uu ka turjumayaa xaalada ka taagan magaalada Muqdisho iyo faragalinta ay mas’uuliyiinta dowlada ku hayaan shaqooyinka aan iyaga khuseyn.
BAJAAJ