QM oo qiratay been abuur ay ka sameeyeen muwaadin Somali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa labo sano kadib soo saartay iney ka been abuurtay muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay markii hore inuu isku qarxiyay deegaanada Puntland.

Qoraal kasoo baxay hayada UN Monitering Group ayaa lagu sheegay in hayada ay ka been abuurtay muwaadin Soomaaliyeed oo sanadkii 2014 ay sheegtay inuu isku qarxiyay magaalada Boosaaso.

Hayada ayaa sheegtay in Maxamed Abuukar Zubeyr uusan aheyn ruuxii isku qarxiyay magaalada Boosaaso, kadib markii baasabor uu leeyahay u adeegsadeen warbixin ay soo saareen sanadkii 2014.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in suxufiyeen ay warar been abuur ah u gudbiyeen hayada, balse labo sano ay garwaaqsanayaan iney ak been abuureen muwaadinka Soomaaliyeed oo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya.

Sida lagu faafiyey Websaytka Khaaska ee QM ee www.un.org, waxay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM (The Security Council Committee) ka heleen Xiriiriyaha Kooxda QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea Warbixin cusub oo ay ku sheegeen inuusan Muwaadinka Soomaalida ee lagu magacaabo Mohamed Abukar Zubeyr ahayn ninkii geystay Is-qarxintii ka dhacday Bosaaso bishii August ee sannadkii 2014-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com