Gen. Gabre oo ballanqaad culus u sameeyey beesha XAWAADLE

Mudisho (Caasimada Online)-Gen. Gebra oo inbadan ku taamayay hanashada shirka maamulka loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, ayaa iminka bilaabay in wada hadalo ay barbar socdaan ballanqaadyo la furo Odayaasha Hiiraan garabka gadoodsan ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gen. Gebra uu Odayaasha u ballanqaaday in rabitaankooda lagu soo dooran doono mas’uuliyiinta ugu sareysa ee maamulka cusub, waxa uuna sidoo kale ka dalbaday in khilaafka ay meesha ka saaran.

Gebra ayaa Sidoo kale Odayaasha u ballanqaaday in Madaxweynaha maamulka cusub uu yeelan doono uu ka imaan doono dhankooda si loo hirgaliyo guusha laga rajeynaayo dhismaha maamulka cusub, waxa uuna sidoo kale meesha ka saaray suuragalnimada faragalin ka imaada dhanka dowlada Somalia.

Waxa uu sidoo kale, Gebra Odayaasha Hiiraan u ballanqaaday in wixii intaa ka danbeeya ay talladu yeelan doonaan Odayaasha Hiiraan, si loo dhaqaajiyo shirka qabyada ah oo ay la wareegtay IGAD.

Gen. Gebra ayaa doonaaya in Madaxweynaha maamulka cusub uu noqdo Siyaasi kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, waxa uuna aad kaga soo horjeeda Siyaasada ay isla wadaan DFS iyo Mas’uuliyiinta Sh/Dhexe.

Ragga uu Gebra wato ayaa la sheegay inuu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Goblka Hiiraan C/fitaax Afrax oo isagu ku fashilmay Siyaasada Hiiraan.

Ma cadda waxa uu ku qotomo heshiiska Gebra iyo Odayaasha Hiiraan markii laga soo tago ballanqaadyada leysla gartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com