Jawaari oo ku fashilmay qorshihii Xasan Sheikh uu uga waday K/G

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la sheegay inuu ku fashilmay dadaal uu dhawaanahaani Madaxweyne Xassan Sheekh ugu jiray, taa oo salka ku heysa uruurinta Xildhibaanada cusub ee ka imaan doona dhanka maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Jawaari uu qaabab kala duwan ku uruuriyay siyaasiyiin la filaayo inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub kuwaasi oo kala kaashtay Odayaasha soo xulistooda qaabilsan ee kasoo jeeda dhanka Koonfur Galbeed si ay codka u siiyaan Xassan Sheekh, hayeeshee Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu laalay qorshihii uu waday Jawaari ee codka loogu raadinaayay Xassan Sheekh.

Shariif Xassan oo ka duulaaya talaabada khaldan ee uu qaaday Jawaari ayaa isugu yeeray Odayaashii soo xulaayay Xildhibaanada xiriirka uu kala dhexeeyay Jawaari waxa uuna ku wargaliyay in wixii intaa ka danbeeysa aysan shaqo ku laheyn soo diyaarinta xubnaha beelahooda u matali doona Baarlamaanka cusub.

Jawaari ayaa la sheegay inuu ku guul dareystay rajadii uu galiyay Xassan Sheekh ee aheyd in cod uu uga baadi goobayo Xildhibaanada ka imaan doona Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Guddoomiye Jawaari u ballanqaaday in mar kale uu ka dhigi doono Guddoomiyaha Baarlamaanka imaan doona waa haddii uu mar kale ku guuleysto doorashada soo socta.

Docda kale, Xassan Sheekh iyo Jawaari ayaa siyaasad ahaan aad isugu dhow, waxaana la sheegay in taasi ay ugu wacan tahay in Jawaari uu xiliyada qaar indhaha ka qabsado khaladaadka uu galo Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com