FARMAAJO oo quus ka muujiyay doorashada 2016 iyo hadalki….

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa rajo xumo weyn ka muujiyay in doorashada sanadkaan ay dhacdaa waqtigii lagu balamay, maadaama wali aan wax badan la qaban.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wuxuu walaac ka muujiyay in waqtiga balanta doorashada dhicin, maadaama la doonayay in la qabto ku dhaqan jadwalka horey loo dajiyay.

“Weli ma muuqato in doorashada ay ku dhici doonta waqtiga ay iyagu qabsadeen ee September ah August-ama Baarlamaanka la dooran doono, marka jadwalka la eego maanta waxay ahayd in Oday dhaqameedyada diyaariyaan liiska ergooyinka codka bixinaya”ayuu yiri Farmaajo.

“Iyaga oo tixgelinaya kuraasta sida gaarka ah loo siiyey Haweenka, laakiin hadda waxaan ognahay in aan la qaban howlihii loo baahnaa laga soo billaabo 24-kii June aan la qaban, guddiga khilaafaadka inaan la sameynin, wacyigelintii dadweynaha inaan la sameynin, marka gaab ayaa jira.”Ayuu yiri Farmaajo

Dhinaca kale Farmaajo ayaa ka hadlay caqabada uu u malaynayo iney xiligan hortaagan tahay doorashooyin ka dhaca dalka SOomaaliya oo dadka dhan ku qanacsan yihiin, iyo hadalkii Xasan Sheikh uu jeediyay maalintii ciida.

“Waxaa ku hor gudban waxyaabo badan, waxaan ognahay Madaxweynaha in maalintii Ciidda uu yiri dadka wax tilmaamaya oo wax ka sheegaya wixii aan la qaban waa cadow, runtii madaxweynaha waxa uu iloobay inay nasteexo u tahay haddii wax loo tilmaamo inay tahay wax la saxayo oo ka qaldan, laakiin inuu ku tilmaamo cadow ma wanaagsaneyn”

Farmaajo ayaa hadalkaan jeediyay kadib wareysi uu siiyay Idaacadda goobjog oo kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com