Wiil uu dhalay Osama Bin Laden oo u hanjabay dalka Mareykanka

Nairobi (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay Osama Bin Laden oo lagu magacaabo Xamza Osama ayaa fariin hanjabaad ah u diray dowlada Mareykanka oo ka dambeysay dilka aabihii Osama Bin Laden.

Fariin cod ah oo daqiiqado soconeyso ayaa laga soo duubay wiilka uu dhalay Osama, waxaana lagu baahiyay warbaahinta Al-qaacida, iyadoo wiilka uu ku hanjabayo inuu u aargudi doono wiilkiisa.

Wiilka wuxuu sheegay in sanadkii 2011 la dilay aabihii, balse Mareykanka uu ka aarsan doono.

Codka laga soo duubay wiilka uu dhalay Bin Laden ayaa wuxuu ku sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu aabihii waday ee ka dhanka ah Mareykanka iyo wadamada xulufada la ah.

“waan sii wadi doonaa inaan idinku beegsano gudaha Waddankiina, oo aan idinka aar goosan doonaa dhibaatooyinka aad u geysataan Dadka Soomaalida, Afganistan, Syria, Iraq, Yemen, Reer Falastiin iyo dalalka Islaamka ee aan ka badbaadin Tacadiga Maraykanka” ayuu yiri Xamsa Osama Bin Laden oo Gacan-yare u ahaan jirey Aabihiisa.

Ciidamada kumaandooska Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan waxay ku dileen Osama Bin Laden kadib markii ay ka fuliyeen dalka Pakistan sanadkii 2011.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com