Xog cusub: DF oo xujo yaab leh ku xirtay doorashada 2016-ka.!!

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Hareeri oo wareysi toos ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in hirgelinta jadwalka doorasho ee 2016-ka laga wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu wareejiyay madasha qaran.

“Waa dhab ah in jadwalka dib looga dhacay laakiin ma arkin wax weyn oo sababi karo in dib u dhac doorashada ku timaado”

Mar la weydiiyay in doorashada ay waqtigeedi dhici doonto, Waxaa uu ku jawaabay “Halmid beysan ku dhici karin, waa markii deeq bixiyeyaasha ay yiraahdaan lacag uma heyno doorashadaan taas oo cabsi weyn laga qabo iyo hey’adihii farsamada ka taakuleynayey oo ay ugu horreyso hey’adda UNDP in xaggooda cillad ka timaado”.

Yaxye waxaa uu sheegay in ay jiraa 13 Milyan oo loogu talagalay in lagu fuliyo doorashadan lacagtaas oo deeq bixiyeyaasha ay ka bixiyeen 5.5 Milyan, isagoo intaa raaciyay in hadda gacanta lagu haayo 2 Milyan iyo 200 oo Kun oo doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com